Kororka soo-galootiga Europe iyo Dhibaatadooda

Lahaanshaha sawirka p

Madaxa siyaasadda dibedda ee midowga Europe, ayaa ka digay in dhibaatada dadka soo galootiga ah ee Meditareeniyaanka ay tahay mid aan horay loo arag ayna u baahan tahay jawaab wax loo dhigaa aysan jirin.

Federica Mogherini ayaa oo ka hor khudbaynayay golaha ammaanka ee qaramada midoobay ayaa sheegay in muhiimadda ugu saraysa ay waajib tahay in laga yeelo in badda laga soo badbaadiyo dadka, balse aanuu wali jirin xal cajiib ah.

Qulqulka soo galootiga Europe

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Waxay sheegtay in aysan jirin qaxooti ama soo galootiga qasab lagu celinayo. Ms Mogherini ayaa u sheegtay Qaramada Midoobay in xaaladdu oo kaliya aysan ahayn mid deg deg ah balse sidoo kale ay marayso in loo arko dhibaato dhinaca amniga ah, taasoo saboolnimo iyo dagaallo ay ka jiraan guud ahaan Africa, Bariga Dhexe iyo meelo kale.