Libya: Weerar kuwa wax tahriibiya

Safiirka Libya ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in dalkiisu uu ka hor'imaanayo isku day kasta oo lagu ogolaanayo weerar militari ay Qaramada midoobay taageereyso oo lagu qaado kuwa dadka dhuumaaleysiiya badda Mediterranean-ka.

Ibrahim Dabbashi ayaa BBC-da u sheegay in aysan jirin wax wadatashi ah oo lala sameeyay Libya oo ku saabsan tallaabadan.

Madaxa siyaasadda Midowga Yurub, Federica Mogherini, ayaa lagu wadaa inuu la hadlo golaha ammaanka maanta galinka dambe.

Axaddii ayey sheegtay, Amnesty International, in qaxootiga naftooda qatarta galinaya si ay Yurub u gaaraan ay ka timid iyagoo afduub, jirdil iyo kufsi kula kulmay Libya.