Diyaarad dagaal oo lagu la'yahay Yemen

Morocco ayaa sheegeysa in mid ka mid ah diyaaradaheeda dagaalka la la'yahay, taasi oo ka qeybgaleysay weerarada isbahaysiga uu hogaamiyo Sucuudigu ku hayaan falaagada Yemen.

Morocco ayaa ku leh lix diyaaradood oo ka qeybgalaya ololahan looga horjeedo falaagda Xuutiyiinta iyo isbahaysigooda.

Xabad joojin shan maalmood oo bani'aadamnimo ayaa hirgaleysa talaadada. Ma mijirto hakin weerarka Xuutiyiinta lagu hayo, gaar ahaan meelaha ay awoodda ku leeyihiin ee waqooyiga gobalka Sacad.

Xuutiyiinta ayaa dhankooda ku ridaya Sacuudiga gantaalo iyo hoobiyayaal.