Kerry iyo Putin oo wadahadlay

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, John Kerry, ayaa sheegay inuu wadahadalo saaxiibtinimo oo ku saabsan Ukraine iyo waxyaabo kale kula yeeshay goobta dalxiiska Sochi madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin.

Kerry ayaa sidoo kale la kulmay wasiir arrimaha dibadda Ruushka, Sergei Lavrove, booqashadii ugu horeysay ee uu ku tago Ruushka ilaa bilowgii dagaalka Ukraine sanadkii tagay.

Kerry ayaa sheegay in wadahadalada ay ka mid ahayeen Iran iyo Syria.

Ayagoo ka hadlayay arrimaha caalamka ayuu Kerry sheegay inay muhiim tahay in ay furnaadaan qadadka xiriirka ee u dhexeeya Mareykanka iyo Ruuska.

Horay ayuu Kerry ubax u dhigay Sochi kaasi oo lagu xusayay dagaalkii labaad ee dunida.

Xiriirka labada dal ee Mareykanka iyo Ruushka ayaa aad u xumaaday kaddib markii Ruushku ku darsaday Crimea iyo taageerada gooni-u-goosatada Ukraine.