Saraakiil musuqmaasuq loo xiray Malawi

Madaxii hore ee ciidammada Malawi ayaa la xiray, waxaana loo haystaa in uu lunsaday lacag malaayiin dollar ah.

Janaraal Henry Odillo, iyo kuxigeenkiisii hore korneel, Clement Kafuwa, ayaa lagu eedeeyay in ay qaateen qandaraas ay qalab ciidan dalka ugu soo iibinayeen, balse aanay wax qalab ah keenin.

Dacwadda oo loo yaqaano “cashgate” ayaa qeyb ka ah baaritaan lagu sameynayo musuqmaasuq la sheegay in ay ku kaceen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Malawi.

Hay’adda la dagaallanka musuqmaasuqa ee dalka Malawi, ayaa sheegeysa in Janaraal Henry Odillo iyo ku xigeenkiisii hore korneel Clement Kufiwa loo haysto dacwado badan oo ay ka mid yihiin ku tagrifal shaqo qaran iyo lacago sharci darro ay ku hanteen.

Madaxii hore ee ciidammada, Malawi, ayaa xilka laga qaaday waxyar un kaddib markii uu sanadkii lasoo dhaafay xukunka la wareegay madaxweyne Peter Mutharika.

Ugu yaraan 70 qof oo isugu jira shaqaale dowladdeed iyo ganacsato ayaa lagu xiray Malawi, waxaana loo haystaa dambiyo isugu jira xatooyo, musuqmaasuq iyo hanashada lacago sharci darro ah.

Markii ay soo baxday fadeexada loogu magac daray “Cashgate” ayaa waxaa deeq bixiyayaasha caalamiga ah ay Malawi kala laabteen gargaar dhaqaale oo gaaraya 150 milyan oo dollar.