Baaqa USP iyo jawaabta Somaliland

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Baaqa siyaasiyiinta ku bahoobay xisbiga USP

Xildhibaano iyo Siyaasiyiin sheegay in ay matalaaan maamulo ay ku sheegeen, Khaatumo, Awdal, Maakhir iyo Sallal oo ku bahoobay xisbi siyaasadeed oo lagu magacaabo USP ayaa ku kulmay magaalada Muqdisho. Maamuladaas ayaa eedeeyay Somaliland oo ay sheegeen in ay dhibaato ka waddo deegaanada gobollada waqooyi ee Soomaaliya, waxa ayna sheegeen in hadda ay ka shaqeynayaan sidii Soomaaliya ay u soo ceshan lahayd midnimadeeda, qoqobkana looga saari lahaa. Shir jaraa'id oo siyaasiyiintaasi iyo xildhibaanadaasi ku qabteen magaalada Muqdisho waxaa warbixntan inooga soo diray wariyaha BBC-da Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Jawaabta ay Somaliland ka bixisay hadalka siyaasiyiitna USP

Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee baarllamaanka Somaliland, Baashe Maxamed Faarax iyo wasiirka wasaaradda xiriirka golayaasha Cali Xaamud Jibriil, ayaa shir jaraa'id oo wadajir oo ay ku qabteen Hargeysa uga jawaabay hadalka ka soo yeeray USP.

Wariyaha BBC-da Axmed Saciid Cige ayaa shirka jaraa'id kadib wareystay labada masuul oo saxaafadda la hadlay.