Lugta Ruushku ku leeyahay dagaalka Ukraine

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Mucaaradka Ruushka ayaa daabacay warbixin xasaasi ah oo faahfaahineysa ku lug lahaashaha ciidamada Ruushka dagaalka bariga Ukraine.

Warbixinta waxaa markii hore soo ururiyay siyaasigii mucaaradka, Boris Nemtsov, oo la dilay bishii February.

Waxay sheegeysaa in tiro ka badan labo boqol oo askarta Ruuska ah ay ku dhinteen labo dagaal oo weyn.

Qarashka ku baxay ololahaasi militeri iyo ku darsashada Crimea ayaa la sheegayaa inay ku baxday bilaayiin doolar.

Su'aasha in Ruushku ku lug leeyahay Ukraine ayaa xasaasi ka ah Moscow.

Mucaraadka ayaa sheegay in ay adkedy in la helo shirkad daabacda qoraalka.