Rag loo toogtay dilkii Saado Cali

Labo nin ayaa xukun dil ah lagu fuliyay magaalada Muqdisho.

Maxkamadda millitariga oo dilkaasi xukuntay, ayaa sheegtay in ragaasi ay ka dambeeyeen dilkii Xildhibaanad Saado Cali Warsame iyo masuuliyiin kale.

Xukunkan dilka ah waxa ay maxkamaddu riday bilawgii bishii afraad ee sanadkan, balse maanta ayaa la fuliyay. Ururka al-Shabaab ayaa horay u sheegtay dilka Saado.

Saado Cali waxa ay ahayd xildhibaanad, waxayse ku caan baxday fanka oo ay ku soo biirtay bilawgii sideetameeyadii waxa ayna ka tirsanayd hoboladii qaranka ee Waabari.