Dabley weerartay hoteel ku yaal Afghanistan

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dad laga soo badbaadiyay weerarka lagu qaaday hotelka Palace Park Hotel ee magaalada Kabul

Booliska caasimadda dalka Afghanistan ee Kabul ayaa sheegay in shan qof ay ku dhinteen israsaasayn saacado socotay oo ka dhacday hoteel ku yaalla magaalada.

Safaarada Mareykanka ee Kabul ayaa xaqiijisay in muwaadin Ameerikaan ah uu ka mid yahay dadka ku dhintay weerarkaasi ka dhacay hoteelka Palace Park Hotel.

Booliska ayaa xoog ku galay hoteelka taasoo keentay in qolalka hoteelka ay booliska iyo dablayda ku dagaalamaan.

Booliska ayaa sheegay inay soo badbaadiyeen 54 qof ayna dileen dableydii.

Ciidammada Afghanistan ayaa saaka aroortii waxa ay soo afjareen weerarka ay dableyda ku qabsdeen hoteelka, kaasi oo socday muddo ka badan shan saacadood.

Taliyaha booliska Kabul Janaraal Abdul Rahman Rahimi, ayaa sheegay in aysan caddayn sida ay raggani ugu suuragashay in ay gudaha u galaan hoteelka.