Iraaniyiintii lagu qafaashay Soomaaliya

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Doon Kaluumaysi

Rag hubeysan ayaa ka afduubay 14-qof oo badmaaxayaal ah xeebta Soomaaliya.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay BBC in dhacdadan ay dhacday arbacadii, shaqaalihii doonida saarnaana ay gacanta ugu jiraan kooxda Al-Shabaab.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in doonida ay timi xeebta, shaqaalihii saarnaana la geeyay goobaha ay gacanta ku hayaan kooxdaasi.

Arrintan ayaa la sheegayaa in ay dhacday arabacadii kaddib markii markabka ay cilad farsamo soo wajahday, isaga oo jooga meel ka baxsan xeebta Soomaaliya.

Image caption Ururka Al-Shabaab

Ururka Al-Shabaab ayaan xaqiijin in ay gacanta ku hayaan baxmaaxayaashaasi.

Saraakiisha dowladda Iran, ayaa markii hore beeniyay warkan, waxa ayna sheegeen in aysan jirin markab Iran ay leedahay oo lagu afduubtay biyaha Soomaaliya, waloow Tv-ga qaran ee dalkaasi uu markii dambe xaqiijiyay.

Markabka ayaa la sheegayaa in ay leedahay shirkad kaluumaysi oo laga leeyahay Iran.

Lahaanshaha sawirka crown
Image caption Burcad badeeda Soomaalida

Sanado badan ayaa gacanka cadmeed, oo ah wado mashquul badan oo ay maraan maraakiibta, ayaa ahaan jirtay biyaha ugu qatarta badan caalamka, iyaga oo rag hubeysan ay qafaashaan jireen maraakiibta, una qabsan jireen shaqaalaha madax furasho.

Markii hore ayaa la sheegi jiray burcad badeeda in ay isku dayayaan in ay joojiyaan kaluumaysiga sharci darada ah, ee ay sameeynayaan maraakiibta shisheeye.

Waxaana hadda aad hoos ugu dhacay burcad badeeda, maadaama ay yeesheen ilaalo hubeysan.