Burundi: Pierre oo dib ugu laabtay dalkiisa

Lahaanshaha sawirka
Image caption Dad soo dhaweynaya madaxweyne Pierre

Madaxweyne Pierre Nkurunziza, ayaa waxa uu tagay magaalada caasimadda u ah dalka Burundi, ee Bujumbura.

Waxa uu sheegay in uu xalay ku hoyday gurigiisa oo ku yaalla deegaanka Ngozi, oo ku taalla bartamaha Burundi, qudbad la filayay in uu uga soo jeediyo shacabkiisa raadiyaha qaran, ayaan la qaban.

Dad ka agdhow madaxweynaha waxa ay sheegayaan in qudbadaasi la qabandoono galabta.

Taageerayaasha Nkurunziza, oo u badan dhalinyaro ka tirsan xisbiga talada dalka haya, oo loo yaqaano Imbonerakure, ayaa isu soo baxay wadooyinka iyaga lulayo caleemo, heesaya, dabaaldagayana.

Waxa ay isugu soo baxeen wadada weyn ee tagta madaxtooyada.

Waxa ay sheegeen in ay sugayaan qudbadda madaxweynaha.

Kolonyo gawaari iyo askar hubaysan ayaa waxa ay horkacayeen gaariga madaxweynaha.

Laakiin waa sawiro is khilaafaya markii loo eego xaafadihii ay ka dhaceen dibadbaxayaasha ka soo horjeeday madaxweyne Nkurunziza, in uu u tartamo jagadaasi mar sedexaad, ee diirada lagu saarayay labadii todobaad ee u dambeeyay.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dad dibadbaxaya

Inta badan dadka waxa ay ka hadlayaan cabsi ah, in laga aargoosto.

Weriyayaasha BBC, ayaa waxay goobjoog u ahaayeen jidgoon laga sameeyay agagaraaka Musaga iyo Bileys saaran mootooyin oo roonda sameynaya.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Bileyska ay rasaas ku fureen dibad baxayaasha.