Baadari Tutu oo dacwad gudbiyay

Image caption Baadari Desmond Tutu

Baadariga weyn ee Desmond Tutu, iyo xaaskiisa ayaa ashtakeeyey gabar uu awoowo iyo ayeeyo u yihiin, Bilayska magaalada Capetown, ayaa xaqiijiyay inay heleen dacwad rasmi ah oo loo haysto gabadhaasi, taas oo lagu eedaynayo inay waxyeelo u geeysatay guriga ay qoyska Tutu deganaayeen.

Ziyanda Palesa, ayaa la filaya inay isu dhiibto Bilayska, macada waxa arrinkani ku saabsan yahay, gabadhan ayaa arrimahan kaga jawaabtay barta internnatka ee twitter-ka, iyadoo sheegtay in wax la yeelay isla markaana ay dagaal ku jirto iyadoon sheegin cida ay dagaalka kula jirto, waxa kaloo ay sheegtay in runtu soo bixi doonto dhawaan.

Ururka uu leeyahay Desmon Tutu, ayaa sheegay in qoysku rabo inay ka gudbaan arrinkani, DesminTutu ayaa wax uu haystaa bilada Nobel Peace Price ee nabada iyadoo loo siiyay halgankii uu lagalay dawladdii midab kala sooco ee Koonfur Afrika.

Biladiisii dahabka ahayd oo kumanaan doolar ahayd ayaa laga xaday gurigiisa Soweto, sanadkii 2007 inkastoo Bilayska dib usoo heleen.