Cabaas iyo Baadari Francis oo Vaticanka ku kulmay

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Madaxwaynaha Falastiin Maxamuud Cabaas iyo Baadari Francis oo hadiyado is waydaarsanaya

Pope Francis ayaa vaticanka kula kulmay madaxweynaha falastiiniyiinta Maxamuud Cabaas, isaga oo ku amaanay doorkiisa nabadda. Pope-ka ayaa hadalkan sheegay mar uu billad siinayey hogaamiyaha falastiiniyiinta.

Booqashada Cabaas waxay timid maalmo ka dib markii Vaticanku sheegay in uu isu diyaarinayo in uu heshiiskii ugu horreeyey la saxiixdo falastiiniyiinta.

Heshiiska ayaa dhigaya in kaniisaddu ay jeceshahay in lagu xalliyo xiisadda kala dhaxaysa Israa'iil xalaka labada dal ah, ayada oo Vaticankana uu u ogolaanayo in uu dusha kala socdo nolosha dadka aaminsan madhabta Roman Catholigga ee ku nool deegaannada uu gacanta ku hayo madaxweyne Cabbaas.

Israa'iil ayaa muujisay in ay ka xun tahay heshiiska oo loo adeegsaday kalmadda ah dalka falastiin.