Bandawgii gobolka Waqooyi Bari oo la kordhiyay

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Wasiirka amniga ee kenya ayaa mudo bil ah ku daray bandowgii saarnaa magalooyinka waqooyiga bari ee Kenya, kuwaas oo kala ah Gaarisa, Wajeer iyo Mandheera.

Bil ka hor ayay ahayd markii bandowga lagu soo rogay magaalooyinkaasi iyo waliba deegaanka Tana River ka dib markii ay dhaceen arimo amaan daro ah.

Bandowgu waxa ay bilaabanayaa 6:30 Maqribnimo ilaa 6:30 subaxnimo. Sidoo kale amarkan waxuu mamnuucayaa in la qaato ama la wato hub sharci daro ah

Bandowgii hore ayaa ku ekaa maanta oo bishu ay tahay 16-ka May. Bandowgan waxa uu dabo socday weerarkii ay afar dablay ah ku qaadeen jaamacada Gaarisa bishii april 2-deedii ayna ku dileen 148 qof oo 142 ka mid ah ay arday ahaayeen.

Dadka deegaanka ayaa ka cawday bandowga waxayna sheegeen in uu curyaamiyay noloshoodii.

Mudadaasi wixii ka dambeeyay dowladdu waxay adkaysay amaanka gobolka, balse alshabaab waxay weli wadaan weerarada ay ku qaadayaan Kenya, talaadadii ay hal askari dileen 17 kalana ku dhaawaceen deegaanka Ijara.