Maxay Hindiya u bartilmaameedsanaysaa Hay'addaha

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Hindiya korontada ugu badan waxa ay ka heshaa tamarta laga dhaliyo dhuxusha

Rai,sal wasaaraha Hindiya ayaa ku jira maalintii ugu dambaysay ee booqasho uu ku joogo dalka Shiinaha waxa uuna kulamo la leeyahay madaxda warshadaha ee Shiinaha.

Waxa uu rajaynayaa in uu horay u dhaqaajiyo qorshihiisa uu ku doonayo in uu dalkiisa ugu dhigo saldhig wax soosaar oo caalami ah.

Ayada oo ay muddo sannad ah ka soo wareegtay markii ra'iisal wasaaraha Hindiya uu ku guulaystay doorashada ayaa waxaa soo baxaysa in xukuumaddiisu ay ka caga jiidayso wax ka qabashada wasakhaynta hawada, iyo is beddelka cimilada.

Dhamaadkii April, Hindiya waxay diiwaangelinta kala noqotay ilaa 9,000 hay'ado maxalli ah oo dhaqaale ka hela dibadda, ayada oo sheegtay in aysan ka soo bixin xeerarka xagga canshuuraadka ah ee dalka.

Si gooni ah waxay Hindia farta ugu fiiqday kooxda xagga deegaanka u ololaysa ee Greenpeace.

Greenpeace guul aan sidaa u weynayn ayey dhowaan gaareen, Arbacadii ayaa Priya Pillai oo ka tirsan dadka ololeeya hay'addaas waxaa laga qaaday xannibaad xagga safarka ah oo saarnayd, ka dib markii laga joojiyey in ay u safarto ingiriiska oo ay kala hadasho mudaneyaal baarlamaanka Ingiriiska ku jira dhibaatada laga dhaxlay dhuxusha la qodo ee Hindiya.

Laakinse dagaalku intaas oo kaliya kuma eka.

Lahaanshaha sawirka www.greenpeace.org.india
Image caption Hay'adda Green Peace waxa ay sheegtay in xayiraadaha dawladdu ay tahay iskuday lagu aamusiinayo

Greenpeace waxay sheegaysaa in todobaadyo gudahood ay ku joojinayso hawlaheeda, haddii aysan xukuumadda Hindiya qaadin xannibaadda xagga lacagaha ah ee ay ku soo rogtay.

Warbixin si sir ah looga helay hay'adda sirdoonka ee Hindiya sannadkii hore ayaa faahfaahinaysa mushaakilka ka dhex aloosan Hindiya iyo Greenpeace.

Xuddunta khilaafka ayaa ah dhuxul dhagaxda la qodo, taasoo ah tamarta ugu badan ee India isticmaasho, xukuumadda xisbiga BJP-na waxay wadaan qorshe sare loogu qaadayo soo saaridda dhuxusha.

Greenpeace waxay aaminsan tahay in dhuxul dhagaxdu ay qayb ku leedahay wasakhaynta hawada iyo heerkulka cimilada dunida ee sii kordhaya.

Adduunka waxaa ku yaala 1,200 shirkadood oo koronto ka dhaliya tamarta dhuxul dhagaxa, ku dhawaad kala bar ka mid ahna waxa ay ku yaalaan Hindiya, sida uu sheegayo machadka kheyraadka ee dunida, ololaha hay'adda deegaanka ee greenpeace-na wuxuu sababay in la joojiyo qodidda dhuxul dhagaxda ee deegaannada kaymaha Hindiya.

Greenpeace waxay kale oo ay weerartay laba shirkadood oo dawladdu leedahay.

Mid ka mid ah shirkadahaas oo la yiraahdo Adani Group oo ah shirkadda 3aad ee dunida ugu weyn waxaa madax ka ah Gautam Adani oo ah saaxib aad ugu dhow ra'iisul wasaaraha India