Maxamad Mursi oo dil lagu xukumay

Lahaanshaha sawirka

Maxkamad ku taala Masar ayaa xukun dil ah ku xukuntay madaxwaynihii hore ee Masar Maxamad Mursi.

Maxkamaddu waxa ay sheegtay in xukunkaas loogu fuliyay kaalintii uu ku lahaa maxaabiis xabsi laga siidaayay 2011.

Hogaamiyahii hore waxa horay 20 sano oo xarig ah loogu xukumay in uu amray in la xiro oo la jir dilo mudaaharaadayaal intii uu xilka hayay.

Hay'addaha diimaha ee dalka ayay hadda tahay in ay sheegaan waxa ay xukunkaasi ka qabaan inta aan dilkaasi la fulinin.

Mursi waxaa xilka ka tuuray millitariga bishii 7 ee sanadkii 2013-kii, arrintaas oo dabo socotay mudaaharaadyo balaarnaa oo lagaga soo horjeeday xukunkiisa.

Intaas wixii ka dambeeyay xukuumaddu waxa ay mamnuucday dhaqdhaqaaqa Muslimiinta walaalawday ama Ikhwaanul muslimiin waxaana la xiray kumanaan ka mid ah taageerayaashooda.

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Xukunkii hore ee ee labaatanka sano waxaa ka mudaaharaaday taageerayaasha Mursi

Ururka Ikhwaanul muslimiin ayaa go'aanaka maxkamadda ku tilmaamay wax lagu qoslo.