Ukraine oo meel marisay shuruuc adag

Lahaanshaha sawirka EPA

Madaxweynaha Ukraine Poroshenko, ayaa saxiixay 4 sharci oo loogu talagalay in wadankiisu uu si rasmi ah ugaga go'o sovietkii hore.

Shuruucda waxay mamnuucayaan in la soo bandhigo astaamaha shuuciyadda iyo kuwa naaziyiinta, waxayna dalbanayaan in dib magacyo loogu bixiyo wadooyin iyo xitaa magaalooyin.

Waxay kale oo ay xayireen in la dhaleeceeyo koox reer Ukraine ah oo lagu eedeeyey in ay xasuuq gaysteen dagaalkii 2aad ee dunida.

Dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha iyo taariikhyahannada, ayaa cambaareeyey sharcigan, iyaga oo sheegaya in xeerarkan cusub ay aad u xannibayaan xorriyadda hadalka, ayna kala qaybinayaan mujtamaca Ukraine.

Qofkii aan u hogaansamin ee jabiya shuruucdaasi waxa ay mutaysankaraan xabsi dhan shan sano ilaa toban sano