Muhaajiriin u geeriyootay cunto yar oo ay ku dagaalameen

Lahaanshaha sawirka Reuters

Muhaajiriintii laga soo badbaadiyay doontii sii quusaysay ayaa BBC-da u sheegay in ku dhawaad boqol qof ay geeriyoodeen markii ay cunto isku dagaaleen.

700 ee qof ayaa waxa xeebaha induniisiya ka soo badbaadiyay rag kalluumeysato ah.

Dhammaantoodna waxa ay ahaayeen muhaajiriin ka yimid Bangladhesh ama Myanmar.

Dadkani la soo badbaadiyay ayaa waxaa xero ku meel gaar ah ku haya oo diiwaan gelinaya mas’uuliyiinta dalka Indonesi-ya.

Dadkani muhaajiriinta ahi ayaa ka sheekeeyay xaalad naxdin leh oo ay la kulmeen muddadii ay saarnaayeen doonta.

Saddex nin oo ka mid ah muhaajiriintani ayaa midba waxaa si gooni ah u sheegay in muhaajiriirntii doonta saarnaa ay cunto ku dagaalameen kaddibna ay halkaasi ku dhinteen ku dhawaaq boqol qof.

Waxa ay intaasi ku dareen in dadka doonta laga tuurayay, qaarna toori la gelinayay halka qaar kalena la ceejiyay oo ay dhinteen.

Suurtagal uma aha BBC in ay xaqiijiso dhammaan arrimahaasi ay dadkani ka sheekeynayaan balse haddii arrintani ay xaqiiqo noqoto, waxa ay cadaadiska caalamiga ah ku sii kordhin doontaa waddamada qaaradda Aasiya oo ay tahay in ay xal u helaan dhibaatadan.

Waxaa la qiyaasayaa in kummanaan muhaajiriin ah ay hada badda dul sabeynayaan gaar ahaanna xeebaha Indonesi-ya, Malaysia iyo Thailand kaddib markii dalalkaasi ay u diideen in doomahaasi ay ku soo xirtaan xeebahooda.