Dawladda Masar oo lix ruux daldashay

Lahaanshaha sawirka AP

Dawladda Masar ayaa sheegtay in ay daldashay lix qof oo lagu eedeeyay xagjirnimo, dhammaantood waxa ay ka mid ahaayeen urur hormuud u ah dadka jihaad doon ka ah ee dalkaasi.

Raggan ayaa lagu helya dambi ah in ay weerar gaadmo ah ku qaadeen laba gaari oo ciidaman oo ah ku qaada askarta Masar, ayna ku dhinteen laba askari, bishii saddexaad ee sanadkii la soo dhaafay.

Kooxda ay raggan ka mid ahaayeen ee, Ansar Bayt al-Maqdis, waxa ay sheegeen in ay la midoobeen ururka Daacish.

Ciidammada dawladda Masar waxa ay weeraro iyo qaraxyo kala kulmaan kooxo ka soo horjeeda oo ku dhuumaalaysta agagaarka Sinai.

Labadii bishii afraad ee sanadkan Ilo ka tirsan laamaha ammaanka ee Masar ayaa sheegay in shan iyo toban askari iyo labo shacab ah ay ku dhinteen weerar lagu qaaday bar kontrool oo ku taala magaalada Sheekh Zuweid

Dawladduwaxa ay aagaasi ka wadaa hawlo ay ku xaqiijinayso ammaanka goobahaasi.

Laakiin sanadkan oo kali ah tiro ciidammo iyo shacab isugu jira ayaa ku geeriyooday waqooyiga Sinai