Koonfur Afrika oo boqolaal qof masaafurisay

Lahaanshaha sawirka AFP

Xukuumadda Koofur Afrika ayaa dalkeeda ka masaafurisay, 400 oo qof oo u dhashay dalka Mozambic.

Arrintan waxaa lagu sheegay in ay tahay howlgal ka dhan ah ajaaniibta sharci darada ku joogta dalkaasi, waxayna arrintani dabo socotaa rabshado ka dhan ahaa dadka ajaaniibta ah oo dalkaasi ka dhacay.

Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhimatay weeraradaasi ajaaniib naceybka ku salaysnaa, hal qof oo ka mid ah dadkaasi waxa uu ahaa muwaadin Mozambic-yaan ah.

Weeraradii ugu badnaana waxa ay ka dheceen magaalooyiinka Durban iyo Johannesburg.

Dowladda Mozambic waxa ay sheegtay in ay la yaabtay masaafurinta.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Mozambic ayaa sheegay in ay qorsheynayeen in ay la xaajoodaan dowladda Koonfur Afrika, laakiin taasi bedelkeeda shacabkooda la xirxirayo.