Mareykanka oo howlgal ka fuliyay Suuriya

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Shidaalka bariga Suuriya laga dhoofiyo ayey dakhli ka helaan kooxda Daacish

Xoghayaha Difaaca ee Mareykanka Ashton Carter, ayaa waxa uu sheegay in dilka sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Daacish oo ciidammada gaarka ah ee Mareykanka ay ku dileen Suuriya ay tahay dharbaaxo ku dhacday kooxda jihaad doonka ah.

Abu Sayyaf waxaa lagu dilay howlgal qarsoodi ah oo ay fuliyeen komaandoos ka tirsan ciidammada Mareykanka oo helicpter uga soo duulay dalka deriska ah Suuriya ee Ciraaq.

Ninkan ayaa kooxda mas'uul uga ahaa maamulka dakhliga saliida bariga Suuriya, sidoo kalana waxa uu hayay jago dhanka milateriga ah, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay wasaaradda difaaca ee Mareykanka.

Waxaa la sheegay in ciidammada Mareykanka ay isku dayeen in ay ninkaasi nolosha ku qabtaan balse uu ku dhintay tacshiirad halkaasi ka dhacday.

Waa markii ugu horreysay inta la og yahay oo uu Mareykanku howlgal dhanka dhulka ah ka gaysto gudaha Suuriya, iyagoo weerraraya bartilmaameed kooxda Daacish ah.

Xaaskiisa ayaa maxbuus ahaan lagu kaxaystay intii uu socday weerarka.