Q/Midoobay: xabbad joojinta Yemen hala kordhiyo

Qaramada midoobay ayaa dalbatay in la kordhiyo xabbad joojinta shanta maalmood ah ee dalka Yemen.

Codsigan ayaa imanaya iyada oo la marayo maalintii ugu dambeysay ee xabbad joojinta oo soo billaabatay talaadadii.

Hay'adaha gargaarka ayaa ka faa'ideystay dhowrka maalmood ee ay duqeynta istaagtay, waxayna cunto gaarsiiyeen dadka aadka u baahan ee ay dagaalladu ku saameeyeen dalkaasi Yemen, laakiin waxay ku baaqayaan in wali loo baahanyahay in gargaarka la sii wado.

Inkasta oo ay xabbad joojin jirtay hadana meelaha qaar ayay dagaalo ka sii socdeen, kuwas oo u dhexeeya ciidamada daacadda u ah dowladda iyo jabhaddaha Xuutiyiinta ah.

ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay dagaal xalay ka dhacay Magaalada Ticis.

Ergeyga Qarammada Midoobay u qaabilsan Yemen, Ismail Walad Sheekh Axmed, ayaa dalbaday in xabbad joojinta la kordhiyo, si ay hay'addaha ugu suuragasho in ay Yemen gaarsiiyaan waxyaabaha daruuriga ah