Dagaalka magaalada Ramadi ee Ciraaq

Lahaanshaha sawirka Reuters

Kolonyo maleeshiyada Shiicada Ciraaq oo ay dowladda soo qaaday ayaa gaaray saldhig u dhow magaalada Ramadi oo gacanta Daacish ku dhacday.

Dowladda ayaa rajeyneysa in ciidamo sadax kun oo maleeshiyaad ah ay gacan ka geysan doonaan dib u qabsashada magaalada, ayna badasho wax lagu tilmaamay guushii ugu weyneyd oo Daacish gaartay sanad.

Dagaalamayaasha Shiicada oo xiriir la leh Iran ayaa dhawaan door wanaagsan ka qaatay kaalmeynta ciidamada Ciraaq inay dhul dib u qabsadaan. Balse waxay wariyayaashu soo sheegayaan inay dowladda ka welwelsan tahay u adeegsigooda magaalada Sunniyiinta ee Ramadi, ayadoo ka baqeysa inay keento dagaalo diimeed.