Siilaanyo oo ka digay ciidan qaran.

Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa ka digay ciidamada qaranka ee loo dhisayo Soomaaliya in ay hurin doonto collaad hor leh, isagoo sabab uga dhigay in Soomaaliya ay dooneyso soo celinta midnimadii.

Madaxweyne Siilaanyo wuxuu maanta ka hadlay xuskii 24aad ee markii ay Goboladii Woqooyi ku dhawaaqeen in ay ka goosteen Soomaaliya inteeda kale.

Waxaa kale oo uu ka hadlay doorashada Somaliland ee dib u dhacday iyo khilaafka ka taagan mudada 22ka bilood ah ee loo kordhiyey xukuumadiisa.