Obama oo furtay bog Twitter oo u gaar ah

Obama Lahaanshaha sawirka other
Image caption Barack Obama ayaa furtay bog Twitter oo gaar u ah

Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Barack Obama uu Twitter-ka ka furtay bog gaar u ah.

Cinwaanka Obama ayaa ah @POTUS oo laga soo gaabiyay madaxweynaha Maraykanka.

Dhowr saacadood kaddib waxaa Obama Twitter-ka kaga soo biiray dad kor u dhaafaya hal milyan oo ruux.

Xisaabta Obama ee rasmiga ah ee uu Twitter-ka ku leeyhay waxaa la socda 59.3 milyan oo ruux.

Markii uu furay boggiisa gaarka ah ee Twitter-ka, Obama waxaa uu ku soo qorey: “Hello, Twitter! Waa Barack, lix sano kaddib hadda umbay ii oggolaadeen inaan furto bog gaar ii ah”.

Aqalka cad ee Maraykanka ayaa sheegay in arrintan ay Obama u sahli doonto in si toos ah ay xiriir ula yeeshaan dadka Maraykanka.