Puntland oo mamnuucday TV-ga Qaranka

Wasaaradda Arimha gudaha ee Puntland ayaa amar ay soo saartay waxa ay kaga mamnuucday deegaanada ay ka taliso ee Puntland oo dhan in uu ka hawl galo Telefishanka dowladda federaalka Soomaaliya ee SNTV.

Wasaaradda ayaa ku eedeysay in TV-gu uu liiday isla markaana uu been abuur ka sameeyay howlaha gurmada ee ay waddo Puntland ee loogu gargaarayo dadka qaxootiga ah ee ka imaanaya Yemen.

Waxa ay sheegeen in Barnaajinkaas uu TV-gaka baxay 17-kii Bishan.