Sacuudiiga oo shaqo qoorgooyayaal xayiisiiyay

Sacuudi Carabiya Lahaanshaha sawirka other
Image caption Ururrada xuquuqda aadanaha ayaa horey u eedeeyay Sacuudiga

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa xayisiisay in ay u baahan tahay ilaa 8 ruux oo howshoodu noqon doonto in ay qoorta ka gooyaan dadka lagu helo dambiyada lagu mutaysto dilka.

Wax shuruurd ah laguma xirin dadkan, oo waxaa laga doonayaa oo kali ah in ay wax dili karaan.

Waxaa sare u kacay dadka qoorta lagaga gooyo Sacuudi Carabiya, oo qofkii 85-aad ayaa la dilay tan iyo markii u billawday sanadkan.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa horey u cambaareeyay dilalka ay ku kacdo Sacuudi Carabiya, oo la sheegay in uu yahay dalka saddexaad ee dadka ugu tirada badan lagu dilo dunida oo dhan.