Dhinacyada Somaliland oo wadahadlaya

Image caption Mucaaradka ayaa horay u dhaliilay dib u dhigidda doorashooyinka Somaliland

Magaalada Hargeysa Waxaa si rasmi ah uga furmay wadahadallo u dhaxeeya xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID iyo xisbiga taladahaya ee KULMIYE iyo xukuumadda oo isku dhinac ah.

Shirka waxaa Furay Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillahi Ismaaciil Saylici.

Saylici oo hadal kooban ka jeediyay furitaanka kulankan wuxuu sheegay in uu ku kalsoonyahay in hogaamiyayaasha mucaaradka iyo muxaafidba ay ku heshiin doonaan wax u dan ah Somaliland oo khilaafka lagu soo afjaro.

Wada hadalladan waxaa dhinaca xisbiga talada haya hogaaminaya gudoomiye Muuse Biixi Cabdi , dhinaca xisbiyada mucaaradka ee WADDNI iyo UCID waxaa hogaaminaya labada gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi Cirro iyo Faysal Cali Waraabe.

Wadahdaladan ayaa dabo socda baaq uu madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo mucaaradka kaga dalbaday in gogol nabadeed la isugu yimaado si loo dhammeeyo khilaafka ka dhashay muddo kordhinta 22 bilood ah ee dhowaan guurtidu u samaysay madaxtooyada iyo golaha wakiilada.