Qadar oo loogu baaqay in ay wax ka qabato xaaladda shaqaalaha

Lahaanshaha sawirka AP

Hay'adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegaysa in loo baahanyahay in Qadar ay wax badan ka qabato xaaladda ay ku suganyihiin soo galootiga ka shaqeeya dalkaasi, inta ay ku guda jirto isku diyaarinta marti gelinta tartanka kubadda cagta ee dunida ee 2022-ka.

Amnesty waxay sheegtay in xukuumada Qadar ay horumar yar ka gaartay ballanqaadyadii ay samaysay sanad ka hor.

Waxay sheegtay in shaqaalaha soo galootiga ah weli lagu xiro in ay fasax waydiistaan qof shaqaaleeyey ka hor inta aanay ka soo tagin dalka ama aanay badelan shaqooyinka.

Waxay intaasi ku dartay in isbadelkii ugu muhiimsanaa oo ahaa qaabka lacagaha loo siiyo soo galootiga shaqeeya, loo meel mariyo si gaabis ah.

Dowladda Qadar ayaa sheegaysa in isbadelo waaweyn la hirgelin doono ka hor dhamaadkan sanadkan.