Qarax ka dhacay caasimada Bujumbura

Lahaanshaha sawirka
Image caption Dibad baxyo ka dhan ah madaxweynaha Burundi ayaa weli ka socda Bujumbura

Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhimatay, dhowr kalena way ku dhaawacmeen, weerar bambaano oo ka dhacay bartamaha caasimada Burundi ee Bujumbura.

Qaraxa ayaa lala beegsaday dad dibad baxayay oo kasoo horjeeda madaxweyne Pierre Nkurunziza.

Weerarka ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii socdaan dibad baxyada looga soo horjeedo go’aanka uu madaxweyne Nkurunziza ku doonayo, in mar saddexaad madaxtinimada loo doorto.

Xilli sii horeeyay, Qaramada Midoobay ayaa ka digtay tirada sii kordheysa ee dadka Burudi u dhashay ee uu ku dhacayo cudurka daacuunka.

Dadkaasi ayaa u qaxay dalka deriska la ah ee Tanzania.

Ku dhawaad 400 oo kiisas cusub oo daacuun ah ayaa maalin kasta laga helaa qaxootigaasi Burundi ka baxsaday.