Xaaladda bini'aadamnimo ee Nigeria oo laga dayriyay

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Astaanta ICRC

Madaxa hay'adda Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas ayaa booqasho uu ku tagay waqooyi bari Nigeria waxa uu ku tilmaamay xaaladda bini'aadamnimo ee halkaasi ka jirta mid ka mid ah kuwa ugu xun dunida.

Ilaa iyo hal milyan iyo bar qof ayaa waxa ay ka barakaceen colaadda ay halkaasi ka waddo kooxda Boko Xaraam.

ICRC ayaa ku baaqday in la helo 65 milyan oo doolar oo lagu baritaarayo howlgallada ay hay'addu ka wado wadammada Nigeria, Chad, Cameroon iyo Niger, dhammaan wadamadan ayaa waxaa saameeyay dagaalada kooxda jihaad doonka ah.

Hay’adda Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas ee loo soo gaabiyo ICRC ayaa halkaasi ku sugan si ay u caawiso qeyb ka mid ah halka milyan iyo barka qof ee ku barakacay waqooyi bari Nigeria.

Kaddib booqasho uu ku tagay magaalada Maiduguri madaxweynaha hay’adda ICRC, Peter Maurer, ayaa waxa uu sheegay in uu la fajacay heerka rabshadaha ee ay dadka deegaanka wajaheen.

Waxa uu intaa ku daray in dhibaatadan ay suuragal tahay in muddo dheer ay maskaxiyan wax ugu reebi doonto dadka halkaasi ku nool.

Mr Maurer, ayaa sheegay in ay jiraan tacadiyo dhanka galmada ah oo joogto uga dhaca deegaanada ay saameeysay colaadda Boko Xaraam.

Waxaa qasab noqotay in la xiro inta badan iskuuladii ku yaallay waqooyi bari Nigeria.

Halkaasi oo fasalada ay haatan guryaba u yihiin dadka soo barakacay.

Dhammaadka bishanna waxaa la dhaarin doonaa madaxweynaha cusub ee Nigeria, Muxammadu Buhari.

Madaxa hay’adda ICRC ayaa ugu baaqay dowladda madaxweynaha cusub ee dalkaasi in aanu wax ka qaban oo kaliya dhibaatada ballaaran ee dhanka bini’aadamnimada, balse uu sidoo kale diiradda saaro sidii uu wax uga qaban lahaa meesha ay salka ku hayso dhibaatada wadankaasi ka taagan.