Al-Shabaab oo isaga baxday Awdheegle

Ciidammada dawladda Soomaaliya ayaa dib ula wareegay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelada Hoose kaddib markii ay halkaasi isaga baxeen ciidamo ka tirsan Al-Shabaab oo saaka dagaal culus kula wareegay deegaanada Awdheegle iyo Mubaarak.

Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose, Cabdiqaadir Maxamed Nuur, ayaa BBCda u sheegay in ay haatan ciidammada dowladda gacanta ku hayaan magaalada.

Goor sii horreysay ayaa dad ku nool deegaankaasi waxa ay BBCda u sheegeen in dagaalyahanada Al-Shabaab ay degmadaasi Awdheegle qabsadeen arooryadii hore.

Sidoo kale waxa ay qabsadeen deegaanka Mubaarak ee isla Shabeelaha Hoose.

Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa goor hore BBCda u sheegay in dagaal faraha looga gubtay uu halkaasi ka dhacay.

Balse waxa uu ka gaabsaday in uu sheego tirada ciidammadooda halkaas kaga dhimatay, isagoo tilmaamay in ay jiraan dhimasho iyo dhaawacba balse ay weli ku jiraan uruurintii iyo tirakoobkii.

Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa dhankiisa sheegay in ugu yaraan 25 askari oo ka tirsan ciidammada dowladda ay dagaalkaasi ku dileen kuna qabsadeen saad milateri.

Quwaddii Al-Shabaab ayaa sanadihii la soo dhaafay waxaa wiiqay ciidammada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya beesha caalamka.