Dhibaatooyin soo wajahay dadka Ramaadi

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Waa buundada Bzibezi ee Ramadi oo kumannaan qof ay ka gudbayaan

Qaramada Midoobay waxa ay sheegtay in ay isku dayayso in ay gaadho afartameeyo kun oo shacab ah oo ka barakacay magaalada Ramadi.

Dhanka kala waxaa jira warar sheegaya in dawladdu ay u dhaqaaqday dhanka bariga magaalada Ramaadi si ay u wajahaan maleeshiyada.

Dadka ugu badani waxa ay ku sugan yihiin buundada Bzebiz, taas oo ay dawladdu xirtay si dadku aysan u galin magaalada Baqdaad inta ay ka baarayaan ee ay ka xaqiijinayaan dadkaasi waxa ay yihiin.

Carruur ayaa u geeriyoonaysa fuuqbax dartii kulaylka halkaasi ka jira awgii, sida uu BBC-da u sheegay kuxigeenka madaxa arrimaha bini'aadminimada ee Qaramada Midoobay, Dominic Bartsch.

Dominic, waxa uu sheegay in Qaramada Midoobay ay sidoo kale ka walaacsan tahay xaaladda dadka kale ee qaxootiga ah ee ku dhex xayiran dagaalka dhexmaraya Daacish iyo ciidammada dawladda.

Maleeshiyaadka Daacish ma aysan ku koobnaan magaalada Ramaadi oo kali ah, maalmo kaddib markii ay la wareegeenba waxa ay bilaabeen in ay uga baxaan dhanka bariga.

Waxa ay u dhaqaaqeen dhanka saldhig ay isku aruursanayaan qolyo dawladda taageersan oo Shiica ah.

Hasayeeshee hadda kooxo ka mid ah Shiicada ayaaba u soo baxay in ay la dagaalamaan Daacish.

War ayaa sheegaya in ay iskaga horiman doonaan Magalaada Xuseybah, haddii uu hadalkaasi run noqdo waxa ay noqon doontaa dadaalkii ugu u horreeyay ee ay dawladdu ku doonayso in ay dib ugu riixaan maleeshiyada tan iyo markii ay Ramaadi gacantooda ka baxday.