Xal u raadinta Khilaafka Somaliland

Image caption Somaliland oo dhawaan u debaaldegtay markii ay ku dhawaaqday inay ka go'day Soomaaliya inteeda kale

Magaalada Hargeysa waxaa ka socda wada hadallo u dhexeeya labada xisbi ee mucaaridka ee Somaliland ee UCID iyo WADDANI iyo Xukuumadda iyo xisbiga talada haya ee KULMIYE oo isku dhinac ah.

Dhinacyada ayaa waxa ay doonayaan in ay xal ka gaaraan helaan khilaafka ka dhashay mudada 22 bilood ah ee Golaha Guurtida Somaliland ay dhowaan u kordhiyay madaxtooyada iyo golaha wakiilada.

Muddo kordhinta ayaa timid kaddib markii uu dib u dhac ku yimid doorashada la filayay 26 June ee sanadkan, taasi oo ay ku dhawaaqeen gudiga doorashooyinka ee Somaliland.

Wada hadalladan oo uu shir gudoominayo madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxman Cabdillaahi Ismaaciil Zaylici, ayaa waxaa saddexda xisbi mid walba uga qayb gelaya gudoomiyayaasha, ku-xigeenada iyo min laba xubnood oo kale.

Wadahdaladan ayaa daba socda baaq uu madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo, uu mucaaradka kaga dalbaday in gogol nabadeed la isugu yimaado si loo dhammeeyo khilaafka ka dhashay muddo kordhinta 22 bilood ah.

Wixii ka soo kordho warkan halkan ayaan idinkugu soo gudbin doonnaa.