Ehud Olmert oo falal musuqmaasuq lagu helay

Maxkmad ku taalla Qudus ayaa sideed bilood oo xabsi ah ku xukuntay Ra'sil wasaarihii hore ee Israa'iil, Ehud Olmert, kadib markii lagu helay falal musuqmaasuq.

Waxaa la sheegay in uu si sharci darro ah lacag uga qaatay ganacsade reer Newyork ah sagaashamaadkii.

Sanadkii la soo dhaafay Olmert waxaa lagu xukumay lix sano oo xabsi ah kadib markii lagu helay in uu laaluush qaatay

Qof xor ah ayuu sii ahaan doonaa illaa iyo inta laga dhamaystirayo racfaan uu xukumadaasi ka qaatay.

Dacwad qaadaha dawalda Uri Korev ayaa soo dhaweeyey xukunkan u dambeeyay.