Xisbullah oo ka digay "halista" Daacish

Xasanb Nasrallah
Image caption Sheekh Xasan Nasrallah ayaa ka digay halista jihaad-doonayaasha

Hogaamiyaha dhaqdhaqaaqa shiicada ee Xisbullah Xasan Nasrallah ayaa sheegay in adduunyadu ay wajahayso khatar aan hore loo arag xagga taariikhda oo ka imaanaysa Daacish iyo ururrada ku xiran Al-Qaacidda.

Ururka Daacish ee haatan isugu yeera Khilaafada Islaamiga iyo ururro kale oo Al-Qaacida taageersan ayaa ka dagaallamaya dalka Suuriya.

Isagoo khadka isgaarsiinta ee la iska arko kula hadlayey kumanaan taageerayaashiisa ah, ayuu Sheekh Nasrallah qiray markii ugu horreysay in Xisbullah ay ka dagaallamayaan dalka la deriska ah ee Suuriya.

Waxay ciidankiisa taageero siinayaan madaxweyne Bashar Al Asad.

Nasrallah wuxuu weydiistay dadka dhaleeceeya ee ku sugan Lubnaan inay taageeraan faragelinta Xisbullah ee suuriya, isagoo u sheegay in taageeridda ay taageerayaan qolyaha ka hor jeeda Madaxweyne Assad aysan ka badbaadin doonin jihaad-doonayaasha.