Askari Tunuusiyaan ah oo weeraray askar kale

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption sawir hore

Askari Tunuusiyaan ah ayaa la dilay kaddib markii uu rasaas ku furay askar kale oo joogtay saldhig ku yaala magaalada Tunis sida ay sheegtay wasaaradda difaaca.

Afhayeen u hadlay Isbitaal ayaa sheegay in 3 askari oo kale ay dhinteen 15 ay dhaawacmeen.

Afhayeenka wasaaradda difaacad Belhassen Oueslati ayaa sheegay in xaaladda saldhiga Bouchoucha la dajiyay subaxnimadiiba.

Ciidammada Tunusia waxa ayaa feejignaan sare ku jireen tan iyo markii rag jihaad doon ah oo hubaysan ay weerareen matxaf bishii saddexaad ee sanadkan, halkaas oo ay ku dileen 21 ruux oo dalxiiseyaal ah.

xerada la weeray oo u dhaw madxafkaasi Bardo, iyo dhismaha baarlamaanka wayaa sababtay in la daad gureeyo arday dhiganaysay iskuul u dhaw.

Wasiirka arrimaha gudaha Maxamad Cali Caruuri, waxa uu sheegay in aysan durba cadayn waxa falkaasi ku dhaqaajiyay askariga, laakiin waxa uu intaasi kudaray in aan falkaasi loo arkin mid argagixiso.

Isaga oo la hadlaya idaacadda Qaranka waxuu sheegay in aysan jirin wax xabbad ah oo ka dhacaya banaanka xeradaasi.