Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Warbixin ku saabsan Bajaajta Jigjiga

Bajaaj waa mooto saddex lugeey ah oo waayadan dambe aad ugu soo badatay magaalada Muqdisho, waxayse hadda aad ugu sii baahday magaalooyin kale oo gobolka ku yaalla oo ay ka mid tahay magaalada Jigjiga ee caasimadda u ah Dawladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Boqolaal mootooyinkaasi ah ayaad ku arkaysaa iyaga oo u kala gooshaya xaafadaha magaalada, waxay u muuqataa in ay meesha ka saarayso tagaasidii caadiga ahayd ee lagu shaqeysan jiray ee sida gaarka ah loo kiraysan jiray.

Cabdirisaaq Xaaji Catoosh oo safar shaqo ku jooga magaalada Jigjiga ayaa raacay mid ka mid ah mootooyinkaasi kaddibna la sheekaystay darawalkii iyo qaar ka mid ah macaamiishii saarneyd, warbixintan ayuuna ka soo diray.