Natiijada hor dhaca ah ee doorashada Itoobiya

Natiijada hor-dhaca ah ee doorashadii todobaadkan ka dhacday Itoobiya ayaa muujinaysa in guul kale oo aqlabiyad ah uu gaaray xisbiga talada haya ee EPRDF.

Xisbigan oo uu hoggaaminaya Rai'sal wasaare Hailemariam Desalegn ayaa waxa uu ku gacan seeray eedeyn uu soo jeediyey mucaaradka oo ahayd in la dhibaateeyey loona cagajugleeyey taageerayaashooda ka hor doorashada oo la qabtay axada iyo isniintii aan ka soo gudubnay.

Guddiga doorashada ee Qaranka ayaa sheegay in ay doorashadu u dhacday si xor iyo xalaal ah.

Xisbiga EPRDF ayaa awooda hayey dalkaasi Itoobiya tan 1991-dii.

Deegaanka Soomaalida

Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya oo talada haya ayaa la filayaa in uu si aqlabiyad ah u guulaysto.

Deegaanka waxaa laga soo doortaa 273 xildhibaan oo heer deegaan ah iyo 23 xildhibaan oo heer Faderaal ah.

Waxyaabaha taariikhda galay

Waa markii koobaad ee ay doorasho isku mar ka dhacdo deegaanka Soomaalida iyo Itoobiya inteeda kale.

Amaanka oo hagaagay iyo kaabayaasha dhaqaalaha sida wadooyin badan oo deegaanka laga dhisay ayaa loo arkaa in ay gacan ka gaysteen arrintaasi.

Lahaanshaha sawirka Atosh
Image caption Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar, intii uu xilka hayay waxaa aad u hagaagay amaanka deegaanka

Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa isna noqday madaxwaynihii ugu horeeyay ee xilkiisa dhamaysta mudo shan sano ah, doorashana dib uga qaybgala.

Hadii baarlamaanka deegaanku doortaan Madaxwayne Cabdi Maxamauud waxa uu noqon doonaa madaxwayniihi koobaad ee xilka ku soo noqda labo jeer.