Dad badan oo lagu xirxiray dalka Gambia

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Caasimadda Gambia Banjul

Tiro dad ah ayaa lagu xirxiray dalka Gambia Lixdii bilood ee u dambaysay, sida ay sheegayaan hay'addaha u dooda xuquuqda aadanaha.

30-kii bishii Disembar ee sanadkii tagay, dablay ayaa waxa ay weerartay caqalka madaxtooyada ee dalka Gambia isku day ay ku doonayeen in ay ku inqilaabaan xukuumadda.

Balse dablaydii waxa ka hortagay oo ka qaalib noqday xoogagga ammaanka.

Maalmihii xigay weerarkaasi, sida ay sheegeen hay'addaha u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International iyo Human Right watch, waxaa la qabqabtay saaxibada iyo qaraabada dadkii ku lug lahaa isku deygaasi afgambi, waxaana lagu xiray xarunta laanta sirdoonka.

Majirto cid warkooda maqashay tan intii la xiray dadkaasi.

Hay'addaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa aaminsan in dadka la xiray ay ku jiraan 3 qof oo da'dooda lagu sheegay 60 sano iyo wax ka koreeya iyo waliba wiil 16 sano jir ah.

Sida uu dhigayo qaanuunka Gambia, qofkii la xiro waa in maxkamad lagu geeyo muddo saddex maalmood gudahood ah.

Amnesty international iyo Human Right watch waxa ay sheegeen in qoysaska dadka xiran loogu cagajugleeyey in la xiridoono haddii ay sii wadaan in ay waydiiyaan su'aalaha ku saabsan halkii ay ku dambeeyeen eheladooda.