Kenya: Isbitaal ayaa lagu xukumay konton kun oo doolar

Image caption Sawir hore oo maxkamadda Kenya ah

Maxkamad ku taala Kenya ayaa isbitaal gaar loo leeyahay ku xukuntay in uu haweenay siiyo kudhawaad konton kun oo doolar.

Kaddib markii ay shaqaynwayday hanaankii uu isbitaalku gabadha kula taliyay in ay uurka kaga hortagto.

Xeerilaaliyuhu waxa uu sheegay in Isbitaalka oo Nairobi kuyaala uu dayacaad sameeyay.

Maxkamaddu waxa ay magdhaw u siiyay hooyada 5 kun oo doolar, 43 kun oo doolar oo kalana waxaa loogu xukumay in ay ku koriso ilmaha inta uu 18 jir ka gaarayo.

Dhibbanaha ayaa maxkamadda u sheegtay in ay ninkeeda u leedahay labo caruur ah islamarkaasna aysan doonaynin ilmo kale.

Waxay sheegtay in uurkaasi oo ahaa mid aanay qorsheyn in uu dhibaato u keenay guurkeeda

Haweenaydu waxa ay maxkamadda u sheegtay in ninkeedu uu u qaatay in aysan marin hanaankii ay ilamaha uga hortagi lahayd oo ay ka beensheegtay.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Isbitaalkaasi Aga Khan