Tony Blair oo iska casilay danjirenimadii Bariga Dhexe

Lahaanshaha sawirka Getty

Rai'sal wasaarihii hore ee Britain Tony Blair, ayaa iska casilaya danjire nimadii uu Bariga dhexe uga ahaa Maraykanka, Ruushka, Qaramada Midoobay iyo Midawga Yurub, waxa uu shaqada ka fadhiisanayaa dhamaadka bisha lixaad ee soo socota, ilo ayaa xaqiijinaya arrintaasi.

Blair oo xilkan qabtay kadib markii uu baneeyay jagada Rai'sal wasaarenimada Britain sanadkii 2007-dii, waxa uu iscasilaadi ku wargaliyay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay