Al-Qaacida ''Al-Nusra-da Suuriya ayaa lagu amray in aysan weerarin Kiristaanka''

Lahaanshaha sawirka AFP

Madaxa ururka Al qacida ee dalka Suuriya ayaa sheegay in kooxdiisu ay doonayaan inay qabsadaa magaalada caasimada ah ee Dimishiq isla markaasna ay ridaan madaxweyne Bashaar Al Asad.

Abu Maxamed Al-Golani oo madax u ah kooxda Nusra ayaa waraysi naadir ah siiyay Telefishinka Aljazeera.

Wuxuu u digay Bulshada Calawiyiinta ee Suuriya oo uu ka soo jeedo madaxwayne Bashar Al-Asad.

Wuxuu ugu baaqay calawiyiinta in ay isaga isaga hadhaan oo aysan waxba ku darsanin madaxwaynaha iyo xukuumadiisa toona.

Waxaa kale oo uu sheegay in ururkiisu uusan rabin in uu weeraro reer galbeedka isla markaasna aysan dagaal kula jirin Kiristaanka.

Xulafo jabhaddo ah oo ay ka mid tahay Al-Nusra ayaa guulo ka gaaraya waqooyiga-galbeed ee Suuriya, iyaga oo qabsaday magaalada Idlib.

Dagaalyahanada Jabhaduhuna waxa ay hadda ku sii siqayaan gobolka Latakia ee ku yaala xeebta badda Mediterranean-ka halkaas oo ay ku xoogbadanyihiin madaxwayne Asad iyo Shiicada Calawiyiinta ah.