Burma oo ka hadashay soo-galootiga

Lahaanshaha sawirka epa

Myanmar ayaa diiday in keligood lagu eedeeyo dhibaatooyinka haysta dadka Aasiyaanka soo galootiga ah, waxay sidaa ka sheegeen kullan ay kooxda gobalka Aasiya ku leeyihiin Bangkok.

Ergooyinka ayaa sheegay in xaaladda ay aheyd mid naxdin leh oo heerkeedu uu sareeyo.

Waxaa sidoo kale madasha ku sugnaa dad matalayay Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

Kumannaan dad ah ayaa ka cararay Myanmar iyo Bangladesh, iyaga oo isticmaalaya doomo, kuwaas oo u anbabaxaya dalalka koonfurta Aasiya dhaca ee Thailand, Indonesia iyo Malaysia.

Jimciha maanta dalka Burma, ayaa sheegay in ay ka qabteen dhanka xeebta koonfureed dooni ay ka buuxaan dad muhaajiriin ah oo gaaraya 727 qof.

Waxa la sheegayaa in dadkaasi ay ahaayeen 600 oo rag, haween iyo caruur isugu jira oo ka yimi Bangladesh.

Waxaa la sheegayaa in dalka Burma, uu silciyay dadka laga tirada badan yahay ee Rohingya iyo soo-galootiga ka imaanaya dalka Bangladesh.

Dadkaasi soo-galootiga ah ee ka soo cararaya labadaasi dal, ayaa qiyaastii Qaramada Midoobay waxa ay ku sheegtay tiradooda 2,600.

Dhibaatadan ayaa bilaabatay horaantii sanadkan markii uu dalka Thailand, uu bilaabay in uu wax ka qabto wadooyinka ay sida sharci darada ah u isticmaalaan soogalootiga.