Boko Xaraam oo 29 qof ku dishay Nigeria

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Waa qarax horay uga dhacay suuqa magaalada Maiduguri oo ay dad badan ku dhinteen

Taliyaha booliska gobolka Borno ee waqooyi bari Nigeria ayaa sheegay in qof ismiidaamiyay uu isku qarxiyay masaajid ku yaalla magaala madaxda gobolkaasi ee Maiduguri.

Qaraxan ayaa waxa uu galaaftay nolosha ugu yaraan 29 qof oo ku tukanayay bannaanka hore ee masaajidka.

Sida ay sheegeen dad ka badbaaday qaraxa ayaa dadka ku dhintay qaraxani waxa ay u badnaayeen ganacsato ku lahaa gacansiyo suuq ciriiri ah oo ku yaal magaalada ugu weyn waqooyi bari Nigeria.

Mid ka mid ah ganacsatadii ku tukanaysay masaajidka ayaa warbaahinta u sheegay in qofka isqarxiyay uu riixiyay gaari gacan isagoo iska soo dhigay ganacsade kuna soo biiray salaada.

Xilli sii horreysayna milateriga ayaa ka hortegay weerar ay Boko Xaraam adeegsatay baasuukayaal oo ay ku qaaday guryo ay dad deganaayeen, weerarkaasi oo qaatay saacado ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 13 qof.

Weeraradan ayaa yimid saacado un kaddib markii la dhaariyay madaxweynaha cusub ee dalkaasi Muxamaduu Buhari.

Madaxweyne Buhari ayaa ballan qaaday in uu tallaabo ka qaadi doono kooxda Boko Xaraam.

Isagoo sheegay in dowladiisa ay wax walba oo karaankeeda ah sameyn doonto si ay u soo badbaadiso in ka badan 200 oo gabdho iskuuley ah oo sanadkii hore ay kooxdaasi ka afduubatay magaalada Chibok.

Boko Xaraam ayaa dishay kumanaan qof tan iyo markii ay bilowday kacdoonka ay ka waddo waqooyiga dalka Nigeria.