Burundi: Madaxweynaha kama qeyb galayo kullanka

Lahaanshaha sawirka
Image caption Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza

Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza ayaa la sheegay in aanu ka qeyb geli doonin kullanka madaxda Afrika ay ku yeelanayaan dalka Tanzania ee ay doonayaan in ay xal ugu raadiyaan mushkiladda siyaasadeed.

Afhayeen u hadlay madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in madaxweynaha aanu ka qeyb gelin doonin kullankaasi oo uu diiradda saari doono ololaha doorashada.

Waxa uu intaasi ku daray in wasiirka arrimaha dibeda ee Burundi uu ka qeyb geli doono kullankaas oo ay isugu imaanayaan madaxda wadamada Kenya, Uganda, Rwanda iyo Tanzania.

Bishan horranteedii markii Mr Nkurunziza uu ka qeyb galay kullankii ay yeesheen madaxda Bariga Afrika, waxa dalkiisa ka dhacay afgambi dhicisoobay oo la doonayey in xilka looga tuuro.

Burundi waxa ka taagnayd qalalaaso siyaasadeed tan iyo markii uu Madaxweyne Nkurunziza sheegay in uu doonayo in uu isu soo sharaxo mar saddexaad xilka madaxweynanimo.