Iskuulada Nepal oo dib loo furayo

Lahaanshaha sawirka UNICEF

Kumanaan kun oo iskuulada dalka Nepal ayaa dib u furmaya, kaddib dhul gariir xooggan oo iskuuladaasi burburiyey.

In ka badan shan iyo labaatan kun oo fasalo ah ayaa ku burburay caasimadda Kathmandu iyadoo dasaasiin kalana ay ku burbureen degaanada ku xeeran caasimada.

In badan oo ka mid ah fasaladaas si ku meel gaar ah ayaa dib loogu dhisay. Bishii April ayaa Nepal waxa ku dhuftay dhul gariir cabirkiisa lagu qiyaasay 7.8, kaddib waxaa dhacay dhul gariiyo fudud.

Dowladda Nepal ayaa waxa ay sheegtay in ay muhiim tahay in dunida ay u dirto fariin ah in wadanka uu dib u soo kabsaday oo uu shaqeynayo. In ka badan sideed kun oo qof ayaa ku dhintay dhul gariirka, kamanaan kun oo kalana way ay ku gurya beeleen.