Dacwa lagu oogay milkiilaha dhismo kun qof ku dhinteen

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dhismaha ayaa dumay kaddib markii la dheereeray oo dib loo dhisay

Maamulka dalka Bangladesh ayaa dacwad ku soo oogay milkiilaha dhismihii Rana Plaza.

Waxaa lagu eedeeyay dembi dil ah, kaddi markii in kabadan kun qof ay ku dhinteen dhismahaasi oo dumay 2013kii.

Waxa ay ahayd musiibadii ugu xumeyd ee dalkaasi kadhacday taariikhda Bangladesh.

Walaaca badqabka dhismaha ayaa taagnaa ka hor inta uusan dumin, balse jawaab yar ayaa laga bixiyay.

41 qof oo kale oo ay ka mid yihiin madaxda dowladda, ayaa dembiyo lagu oogay, waxaana lala xiriirinaayaa dumidda dhismaha iyo dadkii ku dhintay.

Dhismaha waxaa ku yaalay dhowr warshado oo sameenayay dharka loo iibgeyn jiray dalalka reergalbeedka.

Weriyaha BBC-da ee dalkaasi waxa uu sheegayaa in eedeyn ay ka dhalatay sida warshadahaasi ay u shaqeynayeen.