Daacish oo Ciraaq ku dishay 45 askari

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Askar ku dhaawacantay weerrarka ay kooxda Daacish ku qaadeen saldhig boolis oo ku yaal Ciraaq

Ugu yaraan 45 askari oo ka tirsan booliska dalka Ciraaq ayaa lagu dilay weerrar ismiidaamin ah oo ay gobolka Anbaar ka fulisay kooxda Dowladda Islaamiga ah.

Gawaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa waxaa lagu dhuftay saldhig uu boolisku ku leeyahay magaalada Ramaadi.

Ila wareedyo boolis ah ayaa sheegaya in saldhiga weerrarka lala beegsaday ay dhawaantan soo gaartay shixnad ka timid Iiraan oo ah gantaalada lidka diyaaradaha ah.

Waxaa loo malaynayaa in qofka ismiidaamiyay uu isku qarxiyay xirmo hub ah, taasi oo keentay in ay dhacaan qaraxyo badan.

Taasina qeyb ahaan waa sababta ay askar badani u dhinteen, oo sida la sheegay ay ka mid yihiin 15 la taliyayaal oo u dhashay waddanka Iiraan.

Milateriga Iiraan ayaa waxa uu si cad u taageeray dagaalka ay ciidammada dowladda Ciraaq kula jiraan kooxda Daacish, iyadoo hogaanka Ciraaqna uu taageeradaasi ku tilmaamay mid “asaasi ah”.