Shabaab oo "la wareegtay" tulooyin Kenya ku yaal

Shabaab Lahaanshaha sawirka n
Image caption Al-Shabaab ayaa dhowr jeer hore lagu sheegay gudaha dalka Kenya.

Wararka ka imanaya gobolka woqooyi bari ee Kenya ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay muddo kooban la wareegeen tuulooyin ka tirsan deegaanka Mandera ee ku taalla xadka Soomaaliya.

Dableydan ayaa waxa ay khudbado u jeediyeen dadka deegaanka, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in boqolaal qof ay ka qaxeen tuulooyinkii ay deganaayeen.

Weerarka kaddib ayaa waxaa soo warar sheegaya in albaabada la isugu dhuftay qaar ka mid ah iskuulada deegaanka.

Senetor-ka laga soo doorto deegaanka Mandera, Bilow Adan Kerow, ayaa sheegay in weerrarada Al Shabaab ay dhibaato ku yihiin guud ahaan gobolka.

Waxaa uu sheegay in dowladda looga baahan yahay in ay si degdeg ah wax uga qabato amni darrida ka jirta gobolka.